Jabuuti (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa shirkadaha Jarmalka ku martiqaadday inay maalgashi ku sameeyaan mashaariicda tamarta kulaylka dhulka (Geothermal) iyo tamarta qorraxda, iyadoo u ballanqaadday inay siinayso dhammaan fududeynta iyo taageerada lagama maarmaanka u ah hirgelinta mashaariicdaas.
Martiqaadkan waxaa fidiyay Wasiirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti, Dr. Jaamac Maxamed Xasan, markii uu Arbacadii xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jarmalka u fadhiya Jabuuti, Frank Neumann.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa booqashooyinka isbarashada ee safiirku ku marayo mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti, kaddib markii uu 12-kii Oktoobar warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay danaynayso in shirkadaha Jarmalku maalgashi ku sameeyaan mashaariicda tamarta kulaylka dhulka iyo qorraxda ee ku yaalla Beerta Warshadaha Damerjog, isaga oo xaqiijiyey in wasaaraddiisu ay diyaar u tahay inay siiso taageero buuxda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan tamarta dabaysha, qorraxda, kulaylka dhulka iyo tamarta badda, iyo sidoo kale horumarinta nidaamyada kaydinta tamarta si looga faa’iideysto xilliyada wax-soo-saarkeedu yaraado.