Muqdisho (Dawan)— Qodista ceelka shidaalka ee ugu horreeya ee badda Soomaaliya ayaa gaartay lakabyada dhulka ee ay ka soo baxaan astaamaha muujinaya suurtagalnimada jiritaanka shidaalka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Injineer Cabdulqaadir Aadan Maxamed.
Guddoomiyaha ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya ku sheegay in qodistu ay ka gudubtay lakabka dhulka ee loo yaqaan Late Cretaceous, ayna hadda u gudubtay lakabka Early Cretaceous, oo ah halka ay ka bilaabmaan astaamaha tilmaamaya suurtagalnimada jiritaanka shidaalka.
“Meelaha ay ka bilaabmaan astaamaha muujinaya in shidaal meesha ku jiro, halkaas ayay hadda qodistu ka sii bilaabanaysaa. Inta aad sii qodaysid, waxaa sii kordhaya dhiirrigelinta iyo rajada laga qabo in shidaal meesha ku jiro. Hadda waxaad taagan tihiin marxaladdii ugu muhiimsanayd,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Wuxuu sheegay in 2,000 oo mitir oo ka harsan qodista ay yihiin kuwa ugu muhiimsan, isla markaana la rajeynayo in bartilmaameedka qodista la gaaro bisha Disembar ee sannadkan.
“Bartilmaameedka waxaan rajeyneynaa inaan gaarno bisha Disembar, haddii Alle idmo. Waxaan sidoo kale rajeyneynaa inaanay caqabado kale dhicin,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ayaa xusay in 2,000-kii mitir ee ugu horreeyay ee la qoday ay ahaayeen lakabyo sedimentary ah, kuwaas oo aan xog badan laga heli karin marka laga hadlayo jiritaanka shidaalka. Hase yeeshee, muunadihii laga soo qaaday lakabyadaas ayaa hadda loo diyaariyey baaritaan.