Muqdisho (Dawan) – Siyaasiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay in Soomaaliya aysan weli diyaar u ahayn maaraynta dakhliga shidaalka, isagoo ka digay in hay’adaha daciifka ah iyo caqabado maamul ay wiiqi karaan faa’iidada laga filayo kheyraadka dabiiciga ah.
Ceynte, oo ah guddoomiyaha isbahaysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, kaas oo la baahiyay xalay.
“Dalalka aan isku nooca nahay ee nala midka ah, kuwaas oo dadkoodu kala qaybsan yihiin, kalsoonidooduna ay aad u hooseyso, kheyraadku wuu uga sii daraa,” ayuu yiri, isagoo xusay in aragtidan ay tahay mid shakhsiyadeed.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan weli haysan habraacyo, sharciyo iyo hay’ado awood u leh maaraynta dakhliga ballaaran ee laga yaabo inuu ka yimaado shidaalka.
“Haddii maanta la helo shidaal iyadoo xaaladdan jirto, waxaa jirta khatar ah in uu xaaladda ka sii daro halkii uu ka hagaajin lahaa,” ayuu yiri.


