Soomaaliya, 18 Maarso 2026 (Dawan)– Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inay lug ku leedahay xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolkaas.
Qoraal ay soo saartay maanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku walaac ka qabto xaaladda, isla markaana ay ka digtay tallaabo kasta oo wiiqi karta xasilloonida maamulkaas.
Wasaaraddu waxay caddeysay in dowladda federaalku aysan wax xiriir ah la lahayn dhacdooyinka amniga ee laga soo weriyay qaar ka mid ah Koonfur Galbeed, ayna ka shaqaynayso sidii xaaladda loo qaboojin lahaa iyadoo la adeegsanayo wadahadal si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.