Rabat (Dawan)- Morocco, oo martigelinaysay Koobka Qaramada Afrika 2025, ayaa ku riyoonaysay in ay taariikh qorto, balse riyadii 50-ka sano jirtay waxay ku burburtay habeen murugo iyo qalalaase leh. Kama dambaysta tartanka koobka Afrika ee ka dhacay magaalada Rabat ayaa isu beddelay mid ay hareeyeen caro, eedeymo garsoor iyo xaalad amni oo ku sigatay in ciyaarta la joojiyo, taasoo hoos u dhigtay maqaamkii final-ka.
Kulanka ayaa galay marxalad muran badan kaddib markii Senegal loo diiday gool ay dhaliyeen waqtigii dhimashada, iyadoo garsooruhu diiday in VAR uu dib u eego. Daqiiqado yar kadib, Morocco ayaa heshay rigoore muran dhalisay, taasoo keentay caro, buuq taageerayaasha ah iyo in ciyaartoyda Senegal ay iskaga baxaan garoonka iyagoo ka cabanaya in lagu sameeyay cadaalad-darro.
Laacibka Senegal yga ciyaara weerarak Mane ayaa qaatay go'aan geesinimo iyo xilkasnimo isagu jira, wuxuuna ku guuleustay inuu saaxibadiis kusoo celiyo garoonka







