Milan (Dawan)– Orodyahanadda Jabuuti Samiya Xasan Nuur ayaa Axaddii ku guulaysatay tartanka nus-marathon-ka Milan ee Talyaaniga. Waxay masaafada ku dhammaysay hal saac, 8 daqiiqo iyo 4 ilbiriqsi, iyadoo dhigtay rikoor qaran oo cusub markii ugu horreysay ee ay orodday masaafadan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Jabuuti, ADI.
Eva Cherono oo Kenyaan ah ayaa gashay kaalinta labaad, iyadoo ku dhammaysay hal saac, 10 daqiiqo iyo 11 ilbiriqsi. Regina Wambui Ndungu isla Kenya kasoo jeeday ayaa gashay kaalinta saddexaad, iyadoo orodka ku dhammaysay hal saac, 10 daqiiqo iyo 41 ilbiriqsi, sida ay muujinayaan natiijooyinka rasmiga ah ee tartanka.
Samiya, oo 26 jir ah, ayaa 10-kii kiiloomitir ee ugu horreeyay ku dhammaysay 34 daqiiqo iyo 6 ilbiriqsi, iyadoo wax yar ka horreysay labada Kenyaan. Kadib waxay ballaarisay farqiga qeybtii labaad ee tartanka, kaas oo dhacay iyadoo roob da'ayo.