Texas (Dawan)– Feeryahanadda Soomaaliyeed ee haysata dhalashada Ingiriiska, Ramla Cali, ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay horyaalka feerka adduunka, kaddib markii ay dhibco kaga adkaatay feeryahanadda Mareykanka ah ee Mikiah Kreps, tartan ka dhacay magaalada Arlington ee gobolka Texas.
Ramla, oo 37 jir ah, ayaa ku guuleysatay labada suun ee bannaanaa ee ururrada WBO iyo IBF, qeybta miisaanka super-bantamweight, kaddib markii garsoorayaashu go'aan kala qaybsan ka gaareen natiijada tartanka oo socday 10 wareeg, laguna qabtay hoolka College Park Center.
Laba ka mid ah garsoorayaasha ayaa guusha siiyay Ramla, iyagoo dhibcaha u kala qoray 97-92 iyo 96-93, halka garsooraha saddexaad uu guusha siiyay Kreps, isagoo dhibcaha u qoray 98-91. Ramla ayaa wareegga saddexaad feer ku ridday Kreps, taasoo ahayd mar keliya ee feeryahanad ka mid ahi dhulka ku dhacdo intii tartanku socday.
Kreps, oo tartanka ka hor lahayd rikoor aan wax guuldarro ah ku jirin oo ka kooban 11 guul, ayaa la kulantay guuldarradeedii ugu horreysay ee xirfadeed.
Natiijada tartanka ayaa dhalisay dood, kaddib markii tirakoobka rasmiga ah ee feerarka uu muujiyay in Kreps ay tuurtay 115 feer, halka Ramla ay tuurtay 78. Kreps ayaa sidoo kale ku hoggaaminaysay tirada feerarka xoogga leh.