Dakar (Dawan)— Calanka Soomaaliya ayaa ka dhex muuqday xafladdii furitaanka Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada ee Dakar 2026, oo Sabtidii ka dhacday garoonka Abdoulaye Wade ee magaalada Diamniadio, dalka Senegal. Waa markii ugu horreysay ee tartan Olombik ah lagu qabto qaaradda Afrika.
Tartankan oo soconaya 31-ka Oktoobar ilaa 13-ka Nofeembar 2026, waxaa ka qaybgalaya ku dhowaad 2,700 oo ciyaartoy ah oo da’doodu u dhexeyso 14 ilaa 17 sano, kuwaas oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah. Waxaa lagu tartamayaa 25 nooc oo ciyaaraha ah, iyadoo guud ahaan la bixin doono 153 billadood.
Soomaaliya waxaa tartanka ku matalaya feeryahan Xasan Anwar oo 17 jir ah, kaas oo ku tartamaya qaybta feerka ee miisaanka 50-ka kiilo.
Xasan ayaa ku soo barbaaray, kuna soo tababartay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabay safarkiisa ciyaareed. Hadda wuxuu fursad u helay inuu xirfaddiisa ku muujiyo fagaaraha caalamiga ah, isagoo magaca iyo calanka Soomaaliya kor u qaadaya.
Xasan oo la hadlay Dawan ka hor safarkiisa ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay fursadda uu dalkiisa ugu matalayo tartan heer caalami ah. Waxa uu xusay in ka qaybgalka tartanka laftiisu uu yahay guul muhiim ah, isaga oo intaa ku daray inuu ku qanacsan yahay natiijo kasta oo uu ka gaaro tartanka.
“Berri ayaan baxayaa, ciyaaraha ayaan ka qaybgalayaa. Marka aan tartanka galo, guul iyo guuldarraba waan ku qanacsanahay,” ayuu yiri Xasan.