Dhuusamareeb (Dawan)– Isku-duwaha Arrimaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, ayaa Khamiistii saadaaliyay in tirada dadka u baahan gargaarka bini’aadannimo ee dalka ay sannadka 2027 gaari doonto qiyaastii 5.7 milyan oo qof. Wuxuu sheegay in xaaladda ay uga sii darayso dhimista maalgelinta, taas oo xaddidaysa awoodda hay’adaha gargaarka.
Conway, oo ka hadlayay madal looga hadlayay arrimaha bini’aadannimada oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa sheegay in baahiyaha bini’aadannimo ay mar kale sii kordhayaan. Wuxuu sababaha ku sheegay dhibaatooyinka cimilada, colaadaha, barakaca, cudurrada faafa iyo cunto-yarida, oo ay weheliso hoos u dhaca maalgelinta gargaarka.
Qaramada Midoobay ayaa horay u qiyaastay in tirada dadka u baahan gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya ay sannadkan tahay ku dhowaad 4.8 milyan oo qof. "Marka aan eegno sannadka 2027, saadaashu weli waa mid walaac leh, waxaana taasi inta badan sabab u ah baaxadda baahiyaha bini’aadannimo iyo hoos u dhaca maalgelinta," ayuu yiri Conway.
Wuxuu sheegay in sannadka soo socda la filayo in 67 ka mid ah 90-ka degmo ee Soomaaliya ay wajahaan ugu yaraan hal nooc oo dhibaato bini’aadannimo ah. Waxaa ka mid ah 27 degmo oo la filayo inay isku mar wajahaan afar dhibaato oo kala duwan, taas oo ka dhigaysa meelaha ay baahiyaha bini’aadannimo ugu daran yihiin.
"Qorshaha gurmadka bini’aadannimo ee Soomaaliya ee sannadkan wuxuu helay 36% oo keliya maalgelintii loo baahnaa, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah qorshayaasha gurmadka ee ugu maalgelinta yar gobolka," ayuu yiri Conway.
Wuxuu sheegay in intii u dhexeysay bilihii January iyo October ay hay’adaha gargaarku gargaar naf-badbaadin ah gaarsiiyeen qiyaastii 920,000 oo qof. Tiradaasi waxay u dhigantaa 38% ka mid ah 2.4 milyan oo qof oo la qorsheeyay in gargaarka la gaarsiiyo, halka in ka badan 1.5 milyan oo qof ay waayeen gargaarkii ay u baahnaayeen.