Muqdisho (Dawan) – Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa dhaleeceysay booqashadii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu ku tagay Israel, iyadoo culimada Muslimiinta ugu baaqday inay mowqif cad ka qaataan tallaabadaas.
Qoraal ay ku baahisay Facebook ayay Sacdiya ku sheegtay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed uu yahay arrin dabiici ah oo lagu xallin karo wada-hadal, is-qancin iyo is-ixtiraam, balse waxay xustay in arrimaha la xiriira diinta Islaamka aysan ahayn kuwo gorgortan laga geli karo, iyadoo ugu baaqday Muslimiinta inaanay booqashada Cirro u qaadan arrin caadi ah.
"Yaan loo qaadan wax iska caadi ah arrinta uu ku kacay Cirro," ayay ku tiri qoraalkeeda.
Sacdiya ayaa sidoo kale su'aal gelisay aamusnaanta culimada diinta ee hore uga hadli jiray arrimaha ay u arkayeen inay ka hor imanayaan shareecada Islaamka.