Muqdisho (Dawan) — Iskaashi cusub oo lagu xoojinayo tayada tacliinta sare iyo cilmi-baarista dalka ayaa maanta Muqdisho ku dhexmaray Jaamacadda Hormuud iyo Jaamacadda Soomaaliya, kaddib markii labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn. Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka labada jaamacadood, iyadoo diiradda la saarayo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, cilmi-baarista, horumarinta tayada waxbarashada iyo abuurista fursado waxbarasho oo dheeraad ah.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu fursado cusub u abuuri karaa ardayda iyo bahda tacliinta sare, iyadoo labada jaamacadood ay iska kaashanayaan barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo aqooneed oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta labada jaamacadood ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha Soomaaliyeed, isla markaana uu door ka qaadan karo tayeynta iyo horumarinta tacliinta sare.