Jabuuti (Dawan) – Dalalka Jabuuti iyo Masar ayaa sahaminaya fursado ganacsi iyo maalgashi oo lagu qiyaasay ilaa $155 milyan, sida uu sheegay safiirka Masar u fadhiya Jabuuti, intii lagu guda jiray madal ganacsi oo lagu xoojinayay xiriirka dhaqaale ee labada dal.
Hadalka ayaa laga sheegay munaasabadda “Maalinta Ganacsiga: Alaabada Masar”, oo ay martigelisay Rugta Ganacsiga Jabuuti 30-kii Abriil. Munaasabaddaas ayaa isugu keentay mas’uuliyiin dowladeed, ganacsato, iyo diblomaasiyiin ka kala socday labada waddan.
Safiirka Masar, Cabdiraxmaan Ra'afat , ayaa sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan ballaarinta iskaashiga ganacsi, gaar ahaan dhinacyada dharka, wax soo saarka cuntada, iyo farsamada beeraha. Wuxuu yiri:
“Waxaa jira fursado waaweyn oo lagu qotomin karo xiriirka ganacsi, iyadoo fursadaha jira lagu qiyaasay qiyaastii $155 milyan.”


