Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa qaaday tallaabo ay ku xoojinayso dhoofinta xoolaha nool, kaddib markii la soo bandhigay markab weyn oo loogu talagalay qaadista xoolaha, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.
Markabka cusub oo lagu magacaabo Tuwiq 3 ayaa lagu soo bandhigay dekedda Jabuuti 30-kii Abriil, waxaana keentay shirkadda Abu Yaser International Shipping.
Munaasabadda lagu soo bandhigayay markabka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sar sare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaadiidka Xasan Xuumad Ibraahim, Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha Maxamed Axmed Cawale, iyo Agaasimaha Hay’adda Dekedaha Jabuuti Maxamed Muuse Cabbar.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in markabkan si gaar ah loogu talagalay qaadista xoolaha nool, isla markaana uu door muhiim ah ka ciyaari doono kordhinta dhoofinta, gaar ahaan xilliga Xajka oo ay sare u kacdo baahida xoolaha ee Sacuudi Carabiya.


