Kismaayo (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa degmada Doolow ka daahfuray mashruuc horumarineed oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada, kaas oo ku kacaya $21 milyan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Jubaland.
Mashruuca oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa loogu talagalay in lagu taageero dadka barakacay iyo bulshada martigelisa, iyadoo diiradda lagu saarayo yareynta ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo iyo dhisidda isku-filnaansho waara.
Sida lagu sheegay bayaanka, mashruuca waxaa ka mid ah dhismaha ku dhowaad 2,000 oo guri, hirgelinta kanaallo waraab iyo sameynta beero wax-soo-saar leh, kuwaas oo kor u qaadi doona wax-soo-saarka beeraha iyo ilaha dhaqaale ee bulshada deegaanka.
Mashruucu wuxuu sidoo kale bixin doonaa tababbarro xirfadeed iyo taageero loo fidinayo bulshada nugul, si loo ballaariyo fursadaha shaqo iyo dakhli, loona hagaajiyo heerka nololeed ee dadka ka faa’iideysanaya.