Nairobi, 7 Janaayo 2026 (Dawan)- Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa ku dhawaaqday in isbeddel lagu sameeyay hannaanka shaqada howlwadeenada caafimaadka kaas oo saameyn ku yeelan dhakhaatiirta shisheeye ee ka shaqeeya dalka, iyadoo sheegtay in ruqsadaha dhakhaatiirta shisheeye aan la cusboonaysiin doonin hadda kadib haddii aanay lahayn takhasus u gaar ah oo aan laga heli karin dhakhaatiirta Kenya.
Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aaden Ducaale, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay “mid mudda dheer la sugayay,” isagoo xusay in sannado badan ay dalka ka jirtay ku tiirsanaanta xirfadlayaasha shisheeye ee qaar ka mid ah qeybaha muhiimka ah ee adeegyada caafimaadka.
“Sanado badan waxaan ku tiirsanayn dhakhaatiir shisheeye oo leh takhasusyo laga heli karo gudaha. Hadda waa arrin aan sii socon doonin.” ayuu yiri Ducaale, isagoo intaa ku daray in siyaasaddan cusub ay dhiirrigelinayso horumarinta xirfadaha gudaha iyo hubinta in bukaanku helaan adeegyada lagama maarmaanka ah.
Hannaanka cusub ayaa faraya in la xaqiijiyo in dhakhtarka shisheeye ee codsanaya ruqsad uu uga howlgalo Kenya inuu leeyahay xirfad aysan lahayn dhakhaatiirta Kenya.






