Baydhabo (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen, ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu iska casilay xilkii guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga iyo dowlad-goboleedyada ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Laftagareen uu iska casilay xubinnimada xisbiga iyo xilkii uu ka hayay, iyadoo go’aankaas uu dhaqan galay maanta. Afhayeenka Madaxtooyada, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Laftagareen uu hore uga mid ahaa hoggaanka sare ee xisbiga, isagoo door muhiim ah ku lahaa arrimaha amniga iyo xiriirka dowlad-goboleedyada, balse hadda si rasmi ah uga baxay.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo war-saxaafadeedka aanu si toos ah u sheegin sababta ka dambeysa iscasilaadda.