Muqdisho (Dawan) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah kormeeray xarunta Guutada 1-aad ee ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ciidamada ku amray inay sare u qaadaan heerka diyaar-garowga si ay u gutaan waajibaadkooda qaran una sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa booqday xarunta taliska guutada, halkaas oo ay joogeen cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor oo dhawaan soo dhameystay tababbarro ciidan oo heer sare ah.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada oo ku saabsan xaaladda guutada iyo heerka diyaar-garowgeeda, isagoo sidoo kale kormeeray xafiisyada taliska, goobaha ay askartu degto, isbitaalka guutada iyo xarumaha adeegyada saadka.
Waxa uu sidoo kale xog ka helay xaaladda guud ee xarumaha iyo adeegyada loo fidiyo ciidamada, iyo heerka diyaar-garowga hawlgal ee cutubyada iyo awoodda ay u leeyihiin inay gutaan waajibaadka loo igmaday.