Muqdisho (Dawan ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kadib markii uu hore u ansixiyay Baarlamaanka Federaalka, taasoo dhammaystirtay hannaanka sharci ee gudaha dalka isla markaana u gogol xaaraysa ku biirista Soomaaliya ee heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaaradda, sida ay sheegtay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiska ansixiyay 20-kii Oktoobar 2025, iyadoo Dowladda ay xilligaas ku tilmaantay ansixintaasi tallaabo muhiim u ah isku-dhafka dhaqaalaha Soomaaliya iyo suuqa ganacsiga ee Afrika.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in saxiixa Madaxweynaha uu u saamaxayo Soomaaliya inay Guddiga Midowga Afrika dhigato Waraaqda Ansixinta (Instrument of Ratification), taasoo ah tallaabada ugu dambeysa ee sharci ahaan looga baahan yahay si ay Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqoto dalalka xubnaha ka ah heshiiska AfCFTA.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ku biirista AfCFTA ay ganacsatada Soomaaliyeed, warshadaha, iskaashatooyinka iyo maalgashadayaasha u furi doonto suuq mideysan oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.4 bilyan oo qof, taasoo abuuri karta fursado cusub oo dhinacyada dhoofinta, warshadaynta, maalgashiga, kala-duwanaanshaha dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyinka.