Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u diiday baaqyada ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012.
Wareysi uu Madaxweynahu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan ayuu ku sheegay in Dastuurkii 2012 uu qayb ka yahay taariikhda dastuurrada Soomaaliyeed, balse aan dib loogu noqon karin sidii uu ahaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurkaasi uu galay feylka taariikhda dastuurrada Soomaaliya loo dajiyay, balse aan loo noqon karin sidii uu ahaa.
Waxa uu sheegay in dastuurku yahay dukumenti nool oo mar walba lagu sameyn karo dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel.
“Dastuurkii 2012 waa taariikh. Wuu noo yaallaa, laakiin waa laga soo gudbay,” ayuu yiri madaweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan samayn dastuur cusub, balse ay fulisay dib-u-eegistii dastuurka ee lagu waajibiyay hay’adaha dowladda.
Waxa uu xusay in baarlamaannadii hore dhowr jeer dib u dhigeen dib-u-eegista dastuurka, iyadoo mar kasta loo wareejinayay baarlamaanka xiga.