Washington (Dawan) – Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa ku dhawaaqday abaalmarin dhan $150,000 oo la siinayo qofkii lasoo wadaaga xog horseedi karta soo qabashada iyo xukunka Fahad Maxamed Nuur, oo ay dowladda Mareykanku ku raad joogto.
FBI-da ayaa sheegtay in Fahad Maxamed Nuur, oo sidoo kale loo yaqaan Nuur Cabdiwali Xasan iyo Cabdiwali Nuur Xasan, uu yahay muwaadin Mareykan ah oo dhalasho qaatay, isla markaana asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, iyadoo suuragal ay tahay inuu hadda ku sugan yahay Soomaaliya.
Sida ay FBI-du sheegtay, Fahad Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa wax is-daba-marin lagu sameeyay lacago loogu talagalay Barnaamijka Federaalka Mareykanka ee Nafaqeynta Carruurta (Federal Child Nutrition Program) xilligii cudurka COVID-19.
Hay’addu waxay sheegtay in dadka ku lugta lahaa kiiskan ay si khaldan u heleen, una leexsadeen, isla markaana u musuqmaasuqeen malaayiin doollar oo loogu talagalay bixinta kharashaadka cuntada carruurta u baahan.