Muqdisho (Dawan ) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa ka digay xaalad siyaasadeed iyo mid sharci oo adag oo dalka geli karo haddii aan xal laga gaarin arrimaha doorashooyinka ka hor 15-ka May.
Kheyre ayaa sheegay in taariikhda 15-ka May ay ku eg tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay, madaxweynuhu uu noqon karo “madaxweyne hore oo aan sharciyad haysan” balse weli ku sugan Villa Somalia.
Wuxuu tilmaamay in xaaladdaas ay horseedi karto qalalaase siyaasadeed, isagoo sheegay in dalka uu gali karo marxalad uu ka maqan yahay madaxweyne sharciyad leh iyo baarlamaan shaqeynaya. Sidoo kale, wuxuu xusay in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay wajahayaan su’aalo sharciyeed, halka kuwo kalena aysan si buuxda u shaqeyn.


