Soomaaliya (Dawan)- Guddoomiyaha isbahaysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, Cabdiraxmaan Ceynte, ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiis siyaasadeed oo ay ku midoobeen labada xisbi, isaga oo sheegay in midowgani uusan macnaheedu ahayn in xisbiyadu ay lumiyeen madax-bannaanidooda, balse uu yahay isku-dubarid mabaadi’ iyo awood siyaasadeed.
Isaga oo ka hadlayay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, Ceynte ayaa sheegay in labada xisbi ay isku darsadeen Gole Sare oo ka kooban 30 xubnood oo si siman loo qeybsaday, isla markaana la isku afgartay in mid kasta uu yeelanayo door gaar ah oo ku saabsan hoggaanka isbahaysiga.
“Waxaan isku darsanay laba xisbi oo kala madax bannaana welina kala madax bannaan... laakin waxaan mideynay mabaadi’da iyo magaca isbahaysiga,” ayuu yiri Ceynte, isagoo xusay in mid ka mid ah dhinacyada oo ah Haybad Qaran uu qaatay musharraxa madaxweyne, halka xisbiga Xaqsoor uu qaatay guddoomiyenimada isbahaysiga.
Ceynte ayaa sidoo kale sheegay in heshiisku yahay mid ku wajahan muddada dhow iyo tan dhexe, iyadoo labada xisbi ay weli si madax-bannaan u sii jiri doonaan, balse ay iska kaashan doonaan diyaarinta doorashada soo socota.


