Qaahira (Dawan) – Jaamacadda Carabta ayaa cambaareysay booqashadii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uu ku tagay Israel, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa lagu sheegay in booqashada Cirro ee Qudus iyo furitaanka dhisme loo asteeyay safaarad ay yihiin tallaabooyin “waxba kama jiraan ah” oo aan lahayn wax sharciyad ama saameyn siyaasadeed.
Aboul Gheit ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi ay dhaawacayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ka hor imanayaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xiriirka dalalka.
Wuxuu ugu baaqay Somaliland inay dib uga fiirsato siyaasaddeeda, kana fogaato heshiisyo uu sheegay inay u adeegayaan dano dibadeed halkii ay mudnaan siin lahaayeen danaha shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay sii wadaan wadahadal dhab ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo ilaalinta qaranimada, diinta iyo taariikhda mideysa shacabka Soomaaliyeed.