Muqdisho (Dawan)– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu kordhiyay muddada kama dambaysta ah ee gudbinta dukumentiyada diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddigu wuxuu muddada cusub ka dhigay 30-ka Nofeembar, halkii ay markii hore ahayd 22-ka Nofeembar, kaddib codsiyo ay guddiga u soo gudbiyeen qaar ka mid ah ururrada siyaasadeed.
War-saxaafadeed uu Guddigu soo saaray Axaddii ayuu ku sheegay in go'aankan uu ku salaysan yahay awoodaha sharciga ah ee ku qeexan Qodobka 10-aad, farqaddiisa 4-aad, ee Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Qodobka 7-aad, farqaddiisa (c), ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Guddigu wuxuu sheegay inuu codsiyo ka helay ururro siyaasadeed oo doonaya inay isu diiwaangeliyaan ka qaybgalka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ururradaasi waxay codsiyadooda ku caddeeyeen in muddadii hore aysan ku filnayn dhammaystirka shuruudaha ku xusan Qodobka 11-aad ee Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadeed. Waxay sidoo kale codsadeen in loo kordhiyo muddo gaaban si ay u dhammaystiraan dukumentiyada looga baahan yahay, una buuxiyaan shuruudaha sharciga ah ee diiwaangelinta.