Muqdisho (Dawan)– Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Axad ah shixnad dawooyin iyo qalab caafimaad ah ku wareejisay Isbitaalka Madaxtooyada iyo Xarunta Caafimaadka degmada Shangaani ee caasimadda Muqdisho. Qiimaha shixnadda ayaa ka badan 100 kun oo doollar, sida uu sheegay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Al-Cutaybi.
Al-Cutaybi ayaa xilligii xafladda wareejinta gargaarka u sheegay Dawan Media in shixnadda ay ka kooban tahay dawooyin iyo qalab caafimaad, qiimaheeda guud oo lagu qiyaasay in uu ka badan yahay 100 kun oo doollar. Wuxuu intaas ku daray in Jaamacaddu ay ka hor iibsashada agabka la xiriirtay labada xarumood si ay u ogaato baahidooda dhabta ah. Sidaas ayaa lagu hubiyay in la keeno agabka iyo qalabka ay ku yar yihiin.
Safiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Safiirrada Carabta iyo Jaamacadda Carabta oo gargaarkan bixiyay. Wuxuu tilmaamay in uu yahay sii wadista taageero hore oo Golaha Safiirrada Carabta iyo Golaha Wasiirrada Caafimaadka Carabta ay u fidiyeen Soomaaliya. Wuxuu sheegay in hawlaha Jaamacaddu ka wado Soomaaliya aysan ku koobnayn caafimaadka oo keliya. Waxaa ka mid ah iskaashi lala leeyahay Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Dekedaha, iyo qaybo kale oo taageero ah oo loo fidiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.