Muqdisho (Dawan)– Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu si buuxda u taageersan yahay mowqifka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka Carabta iyo waxa uu ku tilmaamay faragelinta Imaaraadku ku hayo dalka. Wuxuu dowladda iyo shacabka ugu baaqay inay mowqif mideysan ka qaataan faragelintaas.
Midowga ayaa arrimahan ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta oo Axad ah soo saaray oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed, amni iyo midda qaran ee dalka. Wuxuu si adag u cambaareeyay faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay waxyeello u geysanayso midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Midowgu wuxuu sheegay in masuuliyaddiisa diineed iyo tan waddaniba ay ku waajibinayaan inuu difaaco dowladda, midnimada dalka iyo isku-duubnaanta bulshada. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wadajirka dhulkeedu ay yihiin arrimo aan gorgortan laga geli karin. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu diidan yahay isku day kasta oo lagu doonayo in dalka la kala qaybiyo, shacabka Soomaaliyeed la kala geeyo ama wax loo dhimo madax-bannaanida qaranka.
Midowgu wuxuu dhinacyada siyaasadda dalka ugu baaqay inay gaaraan heshiis iyo is-afgarad ku dhisan wada-hadal, tanaasul iyo isu-dulqaadasho, si loo ilaaliyo hay'adaha dowladda, loogana fogaado khilaafaadka wiiqi kara dadaallada dowlad-dhiska.
Dhanka sharciyadda hay'adaha dowladda, Midowgu wuxuu caddeeyay inuu aqoonsan yahay sharciyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay'adaheeda. Wuxuu sheegay in ilaalintooda iyo garab-istaaggoodu ay yihiin waajib shareeco, si looga hortago inuu dalka ka dhaco firaaq dastuuri ah ama uu burburo nidaamka dowladnimo, gaar ahaan xilligan uu dalku wajahayo khilaafaad siyaasadeed.