Muqdisho (Dawan) — Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir lagu qorsheynayay hawlgallada la xiriira qorshaha isku-dhafan ee kala-guurka amniga dalka, sida uu sheegay AUSSOM. Munaasabadda xiritaanka shirka waxaa guddoomiyay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.
Sida uu hawlgalku sheegay, shirka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka ciidamada ku biiriyay hawlgalka (T/PCCs), AUSSOM, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika (UNOAU) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Danjire Diene ayaa bogaadiyay doodaha iyo wada-tashiyada ay yeesheen ka qaybgalayaasha shirka, kuwaas oo diiradda lagu saaray qorsheynta hawlgallada kala-guurka amniga Soomaaliya.