Jabuuti (Dawan)— Muqdisho iyo Jabuuti ayaa qorsheynaya inay kala saxiixdaan heshiis is-afgarad iyo heshiis mataaneyneed, taas oo qayb ka ah dadaallo lagu rasmiyeeynayo iskaashiga labada caasimadood, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa Axaddii gaaray Jabuuti, isagoo halkaas ku gaaray booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah, kadib casuumaad uu ka helay Duqa Jabuuti Saciid Daauud Maxamed. Muungaab ayaa sheegay markii uu gaaray Jabuuti in ujeeddada ugu weyn ee booqashadu ay tahay in labada magaalo ay kala saxiixdaan heshiis lagu dhisayo iskaashi iyo wax-wada-qabsi.
Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Hoose ee Xamar iyo wakiillo ka socda ganacsatada Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Yaasiin Maxamuud Cibaar.
Heshiisyada la qorsheynayo ayaa loogu talagalay in la sameeyo hannaan rasmi ah oo lagu hago iskaashiga labada magaalo, kaas oo inta badan ahaa xiriir aan rasmi ahayn, sida ay sheegtay ADI. Labada dhinac ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xoojinta xiriirka ganacsi, dhiirrigelinta maalgashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha ganacsatada labada magaalo. Barnaamijka booqashada ayaa sidoo kale waxaa ku jira in wafdiga Soomaaliya uu booqdo dekedda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jabuuti.