Muqdisho (Dawan)- Muqdisho daaruhu samada ayey la tartamayaan, haseyeeshee bullaacadaha dhinac qulqulaya, jidadka burbursan iyo Lo’da hoos harsata ayaa kashifaya xaqiiqo aan qarsoonayn oo ah in quruxdu dusha sare oo keliya tahay. Sidaa oo ay tahay canshuur sedax cayn ah ayaa qoray caaradii looga qaadaa daaraha iyo dadka degan adeegna looguma qabto.
Geel, lo’ iyo dameero ayaa wadooyinka kula loollama gawaari qurxoon ee qaaliga ah, qaarkoodna buruufta yihiin. Sidaas ayay laba adduun isu dhex jiraan mid aan weli dhammaan noloshii miyiga, dhaqankii qabiilka, iyo fikirkii baadiyaha iyo mid bilow ah oo aan weli hana qaadin, dhaqan magaalo, dowladnimo casri ah iyo fikir ku dhisan muwaaddinnimo.
Magaaladu marka salaadda Subax dhowdahay, waxay isu beddeshaa meel sawaxanka iyo codadku samada isku shareeraan; aadaan, digri iyo wacdi ayaa is qabsada. Qofkii waayeel ah ama nugul ee sugaya in makarafoonnadu yara aamusaan, waxaa mar qura is qabsada naadada waratada, biraha la tumayo, mashiinnada shamiitada, hoonka gawaarida iyo guuxa diyaaradaha, dhawaq kasta wuxuu doonayaa in uu ka sarreeyo kan kale.
Colaadii, Qaraxii, dilkii qaxii way yaraadeen, marka laga reebo barakaca ay dawladu wado iyo dadka lagu dilo hawlgaladaas. Laakiin fiidkii jugta rasaasta iyo madaafiicda argagaxa leh ee tababbarka ciidanka iyo tijaabada ayaa wadnaha gilgila qofki aan la qabsan. Tani waxay ku xasuusinayaan xaqiiqo aan la dafiri karin oo ah in weli amni iyo xasillooni la isku haleeyaa jirin, nabaduna aysan ahayn maqnaanshaha colaadda, balse ay tahay jiritaanka caddaaladda.
Si aad u gaarto maqaaxiyaha ifiya ee quruxda badan, ama uga soo adeegato suuqyada casriga ah ee magaalada waa in aad soo martaa baro-koontorool oo ay askar kala duwan oo qoryo qalka kaa gelinaya, waddooyin jajaban, godad biyo fadhiyaan iyo qashin dabayluhu kala haatiyeen. Gudaha, shaaha iyo kabashiin ayaa lagu cabbaa iftiin diirran hoostiis, bannaankana, bullaacaduhu weli waa qulqulayaan, waa meerto aan dhammaad lahayn.
Maalmahan, Malabaani ayaa noqotay casho la xiiseeyo; waa Canbuulo aad u qoyan, saliid macsaro ka buuxdo, Sonkor xad-dhaaf ah lagu daray, caano garoor ama suusac ah lagu shubay, waa macaan, dhanaan, biyo iyo dufan la isku walaaqay.


