“Awood-siinta laguma garto inta jeer ee laga hadlo, balse waxaa laga gartaa fursadaha uu qofku helo iyo saamaynta uu ku yeesho go’aannada mustaqbalkiisa.” Zamzam Daqarre
Ereyga awood-siintu sannadihii u dambeeyey wuxuu si weyn uga dhex muuqday hadallada siyaasiyiinta, qorshayaasha dowladda iyo barnaamijyada hay’adaha horumarinta. Shirarka dhallinyarada, kulamada haweenka, tababarrada xirfadeed iyo mashaariicda bulshada ayaa dhammaantood lagu xoojiyaa baaqa ah in dadka la siiyo awood ay noloshooda ku horumariyaan.
Hase yeeshee, marka laga gudbo hadallada iyo munaasabadaha, waxaa soo baxaya su’aal muhiim ah: Maxaa iska beddelay nolosha dadka loogu talagalay barnaamijyadaas?
Soomaaliya waxaa ku nool dhallinyaro badan oo waxbaratay, ganacsato hal-abuur leh iyo dad doonaya inay kaalin ka qaataan horumarka dalkooda. Waxaase jira caqabado hortaagan inay kartidooda u beddelaan waxqabad iyo nolol dhaqaale oo deggan. Qaar waxay ku dhibban yihiin helitaanka shaqo, qaarna ma haystaan maalgelin ay ku hirgeliyaan fikradahooda. Kuwo kalena waxay ka maqan yihiin goobaha lagu gaaro go’aannada sida tooska ah u saameeya noloshooda.
Aniga oo ah saxafiyad da’yar, arrintani waxay igu dhalisay inaan si dhow u eego macnaha awood-siinta iyo sida ay uga muuqato xaaladda dalka. Waxaa muuqata in mararka qaarkood la isku khaldo in dadka la siiyo fursad ay munaasabad uga qaybgalaan iyo in dhab ahaan la siiyo awood ay wax ku beddelaan.
Qofka awoodda la siinayo ma aha oo keliya mid lagu dhegeysto marka shir la qabanayo; waa qof taladiisa la tixgeliyo, xuquuqdiisa la dhowro, isla markaana haysta fursado uu ku horumarin karo noloshiisa.
Halkee Dhallinyaradu kaga jirtaa go’aan-qaadashada?
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa marar badan lagu tilmaamaa tiirka iyo mustaqbalka qaranka. Khudbadaha rasmiga ah waxaa lagu ammaanaa aqoontooda, kartidooda iyo firfircoonidooda. Waxaa loo qabtaa shirar, tababbarro iyo barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo hoggaaminta.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudan in la isweydiiyo halka ay dhallinyaradu kaga jiraan go’aan-qaadashada maanta. Ma helaan fursad ay ku saameeyaan siyaasadaha dowladda? Ma joogaan goobaha lagu go’aamiyo arrimaha mudnaanta u leh qaranka? Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ma laga faa’iidaystaa marka la dejinayo qorshayaasha horumarinta?
In jiilka cusub loogu yeero mustaqbalka dalka kuma filna haddii aan loo oggolaan inay qayb ka noqdaan dhismaha maanta. Dal doonaya horumar ma dayici karo awoodda dadka da’da yar, mana habboona in ka-qaybgalkooda lagu soo koobo munaasabado iyo hadallo dhiirrigelin ah.
Arrintani kuma koobna dhallinyarada. Haweenka iyo qaybaha bulshada ee aan si ku filan uga dhex muuqan hay’adaha go’aan-qaadashada iyaguna waxay u baahan yihiin fursado siman oo ay ku cabbiraan aragtidooda, kuna yeeshaan door muuqda. Matalaaddu waxay macne yeelanaysaa marka ay la socoto awood iyo masuuliyad. Haddii qof lagu daro guddi ama madal, balse aanu wax saamayn ah ku lahayn go’aannada halkaas ka soo baxa, ka-qaybgalkaasi wuxuu ku koobnaa karaa magac u yaal.
Waxbarasho iyo tababar keliya shaqo ma abuuraan
Mid ka mid ah meelaha sida wanaagsan looga fahmi karo farqiga u dhexeeya ballanqaadka iyo xaqiiqada waa shaqo-abuurka. Soomaaliya waxaa ka jira dadaallo lagu horumarinayo xirfadaha dhallinyarada, laguna dhiirrigelinayo ganacsi-abuurka. Tababarrada la bixiyo waxay dadka baraan xirfado cusub, waxayna u furaan waddooyin ay ku kobcin karaan aqoontooda. Hase yeeshee, caqabadda ugu weyn waxay inta badan timaaddaa marka tababarku dhammaado. Qofka xirfad bartay ma haystaa meel uu kaga shaqeeyo? Qofka doonaya inuu ganacsi bilaabo ma heli karaa maalgelin? Ganacsadaha yar ma awoodaa inuu helo suuq iyo adeegyo uu ku kobciyo hawshiisa?
Su’aalahani waxay muujinayaan in tababarka iyo shahaadadu aanay kaligood xal u ahayn shaqo la’aanta. Waxaa loo baahan yahay hannaan isku xira waxbarashada, suuqa shaqada, maalgelinta iyo siyaasadaha dhaqaalaha. Qofka dhameeyay jaamacad oo sannado waxbarasho ku bixiyey aqoon kororsi wuxuu u baahan yahay fursad uu ku shaqeeyo. Sidoo kale, qof ganacsi yar bilaabay wuxuu u baahan yahay adeegyo maaliyadeed, suuq uu wax ku iibiyo iyo sharciyo ilaaliya xuquuqdiisa. Ganacsatada Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo hal-abuur, balse caqabadaha la xiriira maalgelinta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo helitaanka suuqyo ayaa mararka qaarkood xaddida koboca ganacsiyadooda. Sidaas darteed, barnaamij kasta oo loogu talagalay horumarinta bulshada waa in lagu qiimeeyaa waxa uu qofka u suurtageliyey marka hawshiisu dhammaato. Tababar la qabtay ama shahaado la bixiyey ma noqon karaan cabbirka keliya ee guusha.