SAWIRKAN WAA TURBI OO HOOS TAGTA DEGMADA BALANBALE
Waxaa jira qisooyin aad maqasho oo aan xusuustaada si fudud uga bixin. Qaar waxay kuu muujiyaan heerka uu gaari karo xanuunka colaadda, halka kuwo kalena ay ku baraan qiimaha cafiska iyo awoodda uu qofku u leeyahay inuu ka tanaasulo aargoosiga. Mid ka mid ah qisooyinkaas waa tii uu ila wadaagay Axmed Ciise Geedi, oo afar jir ahaa markii aabbihii, adeerkii iyo ina-adeerkii lagu dilay iyagoo dhaan jooga, oo biyo u doonay reerkooda.
Qisadan waxaan maqlay intii aan ka qayb qaadanayay diyaarinta dokumentariga “Safarka Nabadda”, oo ka warramaya nabadda ka dhalatay colaadaha sokeeye ee deegaannada daaqsinka ah ee ay wada degaan beelaha walaalaha ah ee Guriceel iyo Balanbale ee gobolka Galgaduud. Qisada Axmed kuma jirin dokumentarigii aan baahinnay ee ay bulshadu sida weyn uga falcelisay, balse waxaan u arkay inay mudan tahay in si gaar ah loo diiwaangeliyo.
Axmed Ciise Geedi: Afar jir aabbihii la dilay
SAWIRKAN WAA AXMED CIISE GEEDI GOOBTA DEGMADA GURICEEL
8-dii Sebtembar 2026 ayaan safar shaqo ku tagay Galgaduud. Fiidkii, abbaaraha 8:30 habeenimo, annaga oo saddex qof ah ayaan Axmed Ciise Geedi kula kulannay maqaaxida Bader 2 ee magaalada Guriceel. Kulankaas ayuu nooga sheekeeyay dhacdadii qoyskiisa ku habsatay. Maalintii xigtay, 9-kii Sebtembar, saacaddu markay ahayd 1:02 duhurnimo, ayaan muuqaal ahaan uga duubay wareysigiisa.
“Aabbahay, adeerkay iyo ina-adeerkay oo dhaan jooga ayaa la isku xiray, dabadeedna la toogtay,” ayuu Axmed sheegay. Sida uu nooga sheekeeyay, wuxuu jiray afar sano markii rag ka soo jeeday dhinacii ay isku hayeen dhulka daaqsinka ay saddexda nin isku xireen, dabadeedna hal goob ku toogteen.
Geeridaas kaddib, Axmed oo weli ilmo yar ahaa ayaa noqday wiilka ugu weyn qoyskiisa. Waxaa ka yaraa walaalkii oo maanta qurbaha ku nool. Axmed wuxuu noo sheegay in isaga iyo walaalkii uu Alle garansiiyay inay ka tanaasulaan aargoosiga. Halkii ay dad kale u dili lahaayeen ehelkoodii, waxay doorteen inay nabadda qaataan, kana shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dhiig kale oo daata.
Wuxuu go’aansaday inuu qofkii aabbihii dilay isaga iyo Alle isu daayo, xisaabtiisana aakhiro loo daayo, halkii uu qof aan waxba galabsan u dhibaatayn lahaa fal uusan geysan.
Cadaadiskii uu kala kulmay dadkii uu ka soo jeeday
SAWIRKAN WAA AXMED IYO KOOXDA NABADAYNTA KA SHAQAYNAYSA EE DEGMADA GURICEEL
Go’aanka Axmed ma ahayn mid sahlan. Sida uu noo sheegay, qaar ka mid ah dadkii uu ka soo jeeday waxay ku caayi jireen sababta uusan uga aargudin aabbihii iyo adeerkii. Waxay ku oran jireen in aabbihii ahaa geesi, iyagoo dadaalkiisa nabadaynta ku tilmaamaya fulaynimo, kuna boorrinaya inuu iska daayo wacyigelinta oo uu raadiyo aargoosigii ehelkiisa. Halkii lagu garab istaagi lahaa inuu joojiyo silsiladda dilka, waxaa lagu cadaadinayay inuu dhiig kale daadiyo. Axmed wuxuu kaloo ii sheegay in maalin, kaddib markii qof ay isku reer ahaayeen la dilay, uu isaga iyo rag kale u tageen koox meel ku sugnayd si ay ugu wacyigeliyaan nabadda. Halkaas waxa ay kala kulmeen hanjabaad.
Sida uu noo sheegay, waxaa loogu hanjabay in mid kasta madaxa looga dhufan lahaa shan xabbadood, balse waxa laga baqayay ay ahayd in dilkooda laga aarguto oo dad kale ay iyagana dilaan. Waxa lagu haystay waxay ahayd sababta uusan uga aargudin dilkii qoyskiisa ee ku dhowaad afartan sano ka hor dhacay, xilli uu isagu u taagnaa badbaadinta nafaha dadka kale.
Maanta, Axmed wuxuu ka mid yahay dadka hormuudka u ah u ololeynta nabadda deegaannadaas. Wuxuu ku faraxsan yahay inuu si deggan ugu noolaado nabadda la helay, isaga oo aan xanuunkiisii u beddelin dhib uu qof kale gaarsiiyo.
Doorka nabadgelyada iyo xakamaynta hubka
SAWIRKAN WAA AGAASIMAHE MAHAD SALAAD IYO CIIDANKA NISA, XIRO CIIDAN XIRSI LUGAY EE DEGMADA BALANBALE
Dadkii aan la hadlay waxay si weyn ugu mahadnaqayeen dowladda, gaar ahaan doorka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo dadaallada Mahad Maxamed Salaad ee nabadaynta deegaannadaas. Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiishii aan la kulannay, hay’addu waxay ciidamo geysay toddoba deegaan, waxayna adkaysay xakamaynta hubka. Ciidamadu kuma eka tuulooyinka iyo magaalooyinka; waxay sidoo kale gaafwareegaan dhulka daaqsinka ah. Waxaa dadka looga digay in hub lagu dhex qaato miyiga iyo magaalooyinkaba. Sida lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee SNTV, dad hub lagu qabtay ayaa la xiray, qaarkoodna waxaa loo gudbiyay Muqdisho, halka kuwo kale lagu hayay saldhigyada hay’addu ka samaysay deegaannada u dhexeeya Guriceel iyo Balanbale.
Warbixin uu Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) daabacay 6-dii Luulyo 2026 ayaa sheegtay in ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay labo eedeysane, Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, ka soo qabteen deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud, iyagoo watay labo qori oo nooca AK-47 ah. Sida lagu sheegay warbixinta SNTV, labada eedeysane waxaa loo soo gudbiyay Muqdisho, waxaana laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Warbixintu waxay xustay in la filayay in la horgeeyo hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo; laakiin ma aysan sheegin in xukun lagu riday.
SNTV waxay hawlgalka ku xiriirisay fulinta go’aannadii ka soo baxay gogoshii nabadeed ee Balanballe, kuwaas oo ku saabsanaa xakamaynta hubka sharci-darrada ah iyo ka hortagga hurinta colaadaha. Xogtani waxay faahfaahinaysaa tallaabooyinkii amni ee ay dadka deegaanka iyo saraakiishu nooga warrameen intii aan safarka ku jirnay.
Dadkii aan la hadlay waxay sheegeen in dhibaatada muddada dheer ku habsatay deegaannadooda ay ahayd colaadda dhexdooda ah. Waxay muujiyeen nacaybka ay u qabaan kooxaha argagixisada, balse waxay sidoo kale ka murugaysnaayeen haldoorkii iyo ehelkii ay colaadahaasi ka qaadeen.