Baydhabo (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”, ayaa shalay oo Jimce ahayd magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Arrintan ayaa dhalisay su’aal sharci ah: ma tartami karaa isagoo weli ah xildhibaan federaal ah?
Dastuurka 2012
Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 si cad uma mamnuucayo in xildhibaan federaal ah ama Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu isu sharraxo xil dowlad-goboleed.
Si kastaba ha ahaatee, Qodobka 59-aad, faqraddiisa 1-aad, xarafka (e) wuxuu dhigayaa in xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay lumin karto xubinnimadeeda: “Haddii ay xubintu aqbasho xil dowladeed oo aan wasiir ahayn.”


