Kismaayo (Dawan) – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay deegaanka Horboole ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka.
Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidamada Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaas oo bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, xubnaha lagu dilay howlgalka ayaa isugu jiray horjoogayaal iyo dagaallamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.