Garoowe (Dawan) – Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta ee Puntland ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu mamnuucayo howlaha nootaayooyinka (Notaries) laga diiwaangeliyay meelo kale oo aan hoos iman nidaamka sharci ee Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay Xeerka Nootaayada ee Puntland LR.003/2024, kaas oo dhammaan nootaayooyinka ka howlgala deegaannada Puntland waajib uga dhigaya inay si rasmi ah iskaga diiwaangeliyaan Wasaaradda Cadaaladda Puntland, isla markaana u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada u degsan.
Wasaaraddu waxay caddeysay in nootaayooyinka aan diiwaangashanayn ama laga diiwaangeliyay meel ka baxsan Puntland aan loo oggolaan doonin inay ka shaqeeyaan gudaha maamulka, iyagoo aan haysan oggolaansho ka timid Puntland.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay uga digtay cid kasta oo ku lug leh howlaha nootaayo ee aan sharciga waafaqsanayn ama ka diiwaan gashan meelo aan Puntland ahayn in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, iyadoo la faray hay’adaha ammaanka iyo garsoorka inay la socdaan fulinta amarkan.