Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa sheegay in garsooraha caalamiga ah ee uu aqoonsan yahay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Cumar Cabdulqaadir Cartan, uusan ahayn qof khatar amni ku ah Mareykanka, isagoo difaacay sida dowladda Soomaaliya uga jawaabtay arrinta la xiriirta garsooraha.
Wareysi uu siiyay Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayuu wasiirku ku sheegay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay si wadajir ah uga shaqeeyeen arrintan, isla markaana jawaabta dowladda Soomaaliya aysan ku koobnayn hadallo warbaahinta laga sheegay, balse sidoo kale loo maray waddooyinka rasmiga ah ee diblomaasiyadeed.
Wuxuu sheegay in dowladda ay dirtay waraaqo rasmi ah oo ay kaga jawaabtay arrinta, isagoo xusay in tallaabooyinka rasmiga ahi ay yihiin kuwa ka muhiimsan hadallada warbaahinta.
"Arrintan waan ka jawaabnay, sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka jawaabtay. Hadalna waa midka kor loo yiraahdo, midna waa official documents. Official documents-ka annaga na soo gaaray waa laga jawaabay." ayuu yiri, Wasiirku.
Wasiirka ayaa si cad u diiday hadallada sheegaya in Cumar Cartan uu yahay khatar amni, isagoo sheegay in garsooraha Soomaaliyeed uu sumcad caalami ah ku kasbaday aqoontiisa iyo xirfaddiisa garsoornimo.