Jabuuti (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa bilowday diyaar-garow ballaaran oo lagu dhimayo khataraha ka dhalan kara roobab culus oo la saadaaliyay inay dalka ka da’i doonaan inta u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar 2026 sida ay sheegtay wakaalada wararka Jabuuti
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cumar Cabdi Saciid, ayaa Axaddii guddoomiyay kulan degdeg ah oo lagu dejinayay qorshe ka hortag iyo hannaan isku-duwan oo wax looga qabanayo xaaladaha ka dhalan kara roobabka. Tallaabadan ayaa daba socota saadaashii ugu dambeysay ee Xarunta Saadaasha iyo Adeegsiga Cimilada ee IGAD (ICPAC), taas oo muujisay in roobab ka badan heerarkii caadiga ahaa laga filayo qeybo ka mid ah Geeska Afrika, oo ay Jabuuti ku jirto. Saadaashu waxay xaaladdan la xiriirisay saameynta El Niño.