Cumaan (Dawan)– Soomaaliya iyo Cumaan ayaa yeeshay wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga horumarinta dekedaha iyo saadka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu kobcinayo ganacsiga iyo maalgashiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wadahadalladan ayaa dhacay inti uu socday kulan Isniintii dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo saraakiil sare oo ka tirsan shirkadda ASYAD ee Cumaan, oo uu ku jiro Agaasimaha Guud ee shirkadda, Cumar bin Maxamuud Al-Mahrazi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Shirkadda ASYAD waa shirkad dowladeed oo Cumaan leedahay, oo maamusha dekedaha, maraakiibta, iyo adeegyada gaadiidka iyo saadka.


