Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), IGAD iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah inay cambaareeyaan tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kaddib warar la xiriira xiriirka u dhexeeya Israel iyo Somaliland.
War-saxaafadeed ay maanta oo Talaado soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan u leh matalaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhammaan xiriirrada caalamiga ah.
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama nooc kasta oo kale ah oo lala yeesho Somaliland, iyadoo laga tallaabsanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka hor imaanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn wax sharciyad siyaasadeed ama mid qaanuuni ah.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ixtiraamto madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay si cad u cambaareyso tallaabooyinka wax u dhimaya xasilloonida iyo wadajirka dalka.