Muqdisho (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ka furtay Shirweynihii Labaad ee Qaran ee Garaadka Macmalka, kaas oo laba maalmood soconaya. Shirka ayaa isugu keenay mas’uuliyiin dowladeed, jaamacado, cilmi-baarayaal iyo khubaro tiknoolajiyadeed, si looga wada hadlo sida garaadka macmalka loogu adeegsan karo horumarinta dalka.
Shirka waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo kaashanaysa Somali AI Community, isla markaana ay la shaqeynayaan Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, oo shirka furay ayaa sheegay in Soomaaliya ay si istaraatiiji ah uga faa’iideysan karto fursadaha uu bixiyo garaadka macmalka, si loo xoojiyo waxbarashada, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo dhaqaalaha ku dhisan aqoonta.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegtay in shirka lagu falanqeyn doono arrimo ay ka mid yihiin maamulka iyo nidaaminta AI, adeegsiga adeegyada dowladda, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, amniga internet-ka, ilaalinta xogta, xuquuqda dhijitaalka ah, AI ku shaqeysa afka Soomaaliga, hal-abuurka iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Axmed Cusmaan, aasaasaha Somali AI, ayaa sheegay in garaadka macmalka uu fursado ballaaran u abuuri karo dhalinyarada Soomaaliyeed dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo xal u helidda caqabadaha bulsho iyo dhaqaale, haddii si sax ah loo adeegsado.