Muqdisho, 17 Maarso 2026 (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la asteeyo maalin qaran oo lagu xuso shuhadada ciidamada, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo bandhigo soo jeedin ku saabsan in habeenka 28-ka bisha Ramadaan loo aqoonsado Maalinta Shahiidka Soomaaliyeed, si qaranka oo dhan looga xuso looguna maamuuso askartii iyo saraakiishii naftooda u huray difaaca dalka.
“Adduunka, dal dagaal ku jira oo nuucaan ah oo aan lahayn maalin gaar u ah (shuhadada) ma jiro. Marka waxaan rajeynaynaa inaan Madaxweynaha u bandhigno in habeenka 28 bisha Ramadaan loo aqoonsado maalinta shahiidka oo qaranka oo dhan laga xuso, si loo maamuso carruurtii iyi qoysaskii ay ka baxeen saraakiishi u dhimtay difaaca dalka” ayuu yiri, Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dalal badan oo dunida ka mid ah ay leeyihiin maalin lagu xuso shuhadadooda, balse Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada aysan weli si rasmi ah u yeelan maalin qaran oo noocaas ah.
Wuxuu intaas ku daray in ujeeddada qorshahan ay tahay in la muujiyo qaddarinta iyo xusuusta geesiyaasha ciidanka ee u dhintay difaaca diinta, dalka iyo dadka, isla markaana la maamuuso qoysaska iyo carruurta ay ka tageen.







