Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Ururka Soomaaliyeed ee Dhakhaatiirta Qalliinka, kaas oo mideynaya dhakhaatiirta ku takhasusay qalliinnada kala duwan, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo adeegyada qalliinka, korna loo qaado heerarka xirfadeed iyo tababarka takhasuska ee waaxda caafimaadka dalka.
Ururka ayaa lagu daahfuray munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho Khamiistii oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka, xildhibaanno, dhakhaatiir iyo wakiillo ka socday hay’adaha caafimaadka.
Guddoomiyaha Ururka Soomaaliyeed ee Dhakhaatiirta Qalliinka, Dr. Maxamed Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ururkan cusub uu mideyn doono dhakhaatiirta qalliinka ee takhasusyada kala duwan, sida qalliinka guud, lafaha, neerfayaasha, kaadi-mareenka, qalliinka carruurta, qalliinka wadnaha iyo xididdada dhiigga iyo takhasusyo kale.
Waxa uu xusay in ururku uu dhiirrigelin doono iskaashiga xirfadeed, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta joogtada ah ee dhakhaatiirta qalliinka.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in ururku door muhiim ah ka qaadan doono hirgelinta Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Qaranka ee Qalliinka, Umulaha, Dhaawacyada iyo Suuxdinta, iyagoo tilmaamay in urur xirfadeed oo mideeya dhakhaatiirta qalliinka uu saldhig u yahay horumarinta awoodda xirfadeed ee dalka.