Muqdisho (Dawan)– Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. Anderson, ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay dhammaystirtay dhismaha Ciidamada Kumaandooska Danab, isagoo tilmaamay in mas’uuliyadda ilaalinta awoodda ciidankaas, horumarintiisa iyo sii joogteyntiisa ay hadda saaran tahay dowladda Soomaaliya.
Anderson ayaa hadalkan ku sheegay wareysi ay maanta oo Jimco ah baahisay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isagoo xusay in sannado badan oo maalgashi iyo taageero Mareykan ah ay horseedeen dhismaha ciidan awood u leh fulinta hawlgallada la dagaallanka argagixisada.
Wuxuu sheegay inuu si shaqsi ah uga qayb qaatay dhismaha Danab xilligii uu hore uga tirsanaa howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay ciidankaas mid ka mid ah cutubyada militari ee ugu tayada sarreeya qaaradda Afrika.
Jeneraal Anderson ayaa yiri: “Annaga oo Mareykan ah ayaa gacan ka geysanay dhismaha Ciidanka Danab, aniguna qayb ayaan ka ahaa markii hore ee aan joogay Soomaaliya. Waa mid ka mid ah ciidamada ugu awoodda badan qaaradda Afrika. Aad ayaan ugu faraxsanahay kaalintii aan ka qaadanay dhismaha ciidankan gaarka ah ee loogu talagalay la dagaallanka argagixisada. Hawshaas waan dhammaystirnay, ciidankuna wuxuu diyaar u yahay inuu fuliyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.”