Galmudug (Dawan)- Ururka Siyaasadeed ee Towfiiq ayaa soo saaray mowqifkiisa ku aaddan doorashada ku celiska ah ee Galmudug, xilli maqnaanshaha ururka ee liiska cusub ee Guddiga Doorashooyinka uu dhaliyay dood siyaasadeed.
Towfiiq, oo ka mid ahaa ururradii ka qaybgalay doorashadii Galmudug ee 30-kii Luulyo, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada ku celiska ah, isla markaana uusan wax shuruud ah ku xireyn ka qaybgalka doorashada.
Ururka ayaa sheegay in ka qaybgalka doorashada uu ku salaysnaan doono sharciga, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka, isagoo sidoo kale caddeeyay inuu diyaar u yahay doorashooyinka isku sidkan ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, Towfiiq ayaa si adag uga horyimid go’aanka Guddiga Doorashooyinka ee looga reebay liiska cusub ee ururrada loo diyaariyay doorashada ku celiska ah.
Ururka ayaa ku eedeeyay guddiga in tallaabada looga reebay liiska ay ahayd mid ula kac ah, isagoo arrintaas ku xiray doorkii uu Towfiiq ku lahaa dacwaddii ka dhalatay doorashadii 30-kii Luulyo.