Muqdisho (Dawan) – Siyaasiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Ceynte ayaa si faahfaahsan u sharaxay aragtida mucaaradka ee ku aaddan nooca doorasho ee ay doonayaan in dalka laga hirgeliyo, xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, Ceynte ayaa sheegay in mucaaradku ay taageersan yihiin doorasho qof iyo cod ah, balse ay ku adkeysanayaan in nidaamkaas uu ku dhisnaado heshiis siyaasadeed oo ballaaran oo ay ku wada jiraan dhammaan dhinacyada.
"Doorasho qof iyo cod ah waan rabnaa, laakiin waddankaan doorashadiisa waa in laga gorgortamaa oo laga heshiiyaa," ayuu yiri."
Wuxuu tilmaamay in aragtida mucaaradku ay ku saleysan tahay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah in doorashadu noqoto mid lagu heshiiyey, in ka-qaybgalka shacabka la ballaariyo si loo kordhiyo tirada codbixiyeyaasha, iyo in la dhiso guddi doorasho oo dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay.
Ceynte ayaa sidoo kale sheegay in xeerarka doorashada iyo dhaqaalaha ku baxaya ay tahay in si wadajir ah loo ansixiyo, isagoo xusay in ilaa hadda aan baarlamaanka la horgeyn miisaaniyad rasmi ah oo lagu maalgeliyaayo doorashada.


