Kampala (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka horyimid in arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya lagu daro qabyo-qoraalka warmurtiyeedka Shir-madaxeedka Gaarka ah ee Madaxda Dowladaha Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isagoo sheegay in ujeeddada shirku tahay ka doodista amniga iyo xal u helidda caqabadaha dhaqaale ee horyaalla hawlgalka.
Isagoo khudbad ka jeediyay fadhiga guud ee shir-madaxeedka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta diyaariyay qabyo-qoraalka warmurtiyeedka, hase yeeshee wuxuu codsaday in laga saaro qodobbada ka hadlaya geeddi-socodka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
Qabyo-qoraalka warmurtiyeedka, waxaa ku jiray qodobbo lagu adkeynayay midnimada Soomaaliya, xoojinta dimuqraadiyadda iyo hay'adaha dowladeed, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya laga codsaday inuu qabto shir ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada, halka madaxda dalalka ciidamada AUSSOM ay uga qayb geli lahaayeen kormeerayaal ahaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in arrimaha siyaasadda Soomaaliya ay yihiin kuwo gudaha u gaar ah, isla markaana aan loo baahnayn in lagu daro warmurtiyeedka shirkan.
"Waa arrimo gudaha oo Soomaaliya u gaar ah, Soomaaliya-na ma doonayso in lagu daro warmurtiyeedkan," ayuu yiri Madaxweynuhu.