Muqdisho (Dawan ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu casuumay Golaha Mustaqbalka ka qeybgalka kulan siyaasadeed oo lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho 10-ka May 2026, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulankan uu ka dhashay wadatashiyo uu madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed muddooyinkii u dambeeyay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo muhiim ah oo quseeya mustaqbalka dalka, oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska, doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.


