Podkaastyada waa la rarayaa...
Soo raraya...
Podkaastyada waa la rarayaa...
Barbaarta Podcast waxaa marti ku ah Abdinasir Abdikadir (4C), oo ah farshaxaniiste Soomaaliyeed. Wareysigan wuxuu kaga hadlayaa safarkiisa farshaxanka, sidii uu ku bilaabay, caqabadihii uu la kulmay iyo sida uu ugu beddelay hibadiisa shaqo iyo xirfad mid uu dhaqaale ka sameeyo. 4C wuxuu sidoo kale ka warramayaa sida uu ku helay qalabkii ugu horreeyay ee farshaxanka, dadkii garab istaagay, sida uu kalsoonida bulshada u kasbaday iyo kaalinta baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ay ka qaateen kobaca shaqadiisa.