Podkaastyada waa la rarayaa...
Soo raraya...
Podkaastyada waa la rarayaa...
Barnaamijka Daryeel Podcast ee Dawan TV waxaan kaga hadlaynaa toddobaadkan qabatinka maandooriyaha, saameyntiisa caafimaadka iyo xiriirka ka dhexeeya balwadda iyo cudurrada faafa sida HIV iyo Hepatitis B. Barnaamijka waxaa marti ku ah Dr. Saadiya Abdisamad, Maamulaha Barnaamijka Ka Hortagga, Hakinta iyo Daaweynta HIV ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo Dr. Mustafa Abdirahman, oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka dhimirka. Barnaamijka waxaa daadihinaysa Dr. Ubah Farah Ahmed, oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka carruurta.