Kazan (Dawan)- Magaalada Kazan ee dalka Ruushka, waxaa ka socda shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dowladaha ku bahoobay ururka dhaqaalaha BRICS, iyaga oo ka doodaya sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhaqaale ee haysta dowladahan oo hadda noqday 10 dal.
Shirka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaraya haqab-beelka cuntada iyo arrimaha tamarta,waxaana sanadkaan hal-hays looga dhigay “BRICS iyo Dunida Koonfurta; in si wadajir ah loo dhiso duni wanaagsan.”
Mas’uuliyiin ka socota 36 waddan iyo 6 hay'adood oo caalami ah ayaa ka qayb galaya shirarka, kuwaas oo ka doodaya qaab dhismeedka nidaamka caalamiga ah, xasaradaha ka taagan dunida iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Aan kula wadaagno shan qodob oo ay tahay inaad ka ogaato dowladaha ku bahoobay BRICS
Waa maxay BRICS?
BRICS waa urur dhaqaale oo ay horay ugu bahoobeen Brazil, Russia, India, China iyo Koonfur Afrika. Magaca BRICS waxa uu ka yimid xarfaha ugu horeeya ee magacyada shantaas dal. Brazil, Russia, India iyo China ayaa ku kulmay shirkii ugu horeeyay ee BRICS 2009. Koonfur Afrikana waxay ku biirtay sanad ka dib.
Ujeedka Isbaheysigan ayaa ah in laga hoos baxo nidaamka dhaqaalaha iyo siyaasadda ee reer galbeedku u yahay hormuud .
2023, BRICS waxay aqbashay xubinimada Masar, Itoobiya, Iran, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ka dib markii dalalkan ay codasdeen inay ka mid noqdaan Ururka.