Muqdisho (Dawan)- Muqdisho si xawli ah ayay u kobcaysaa. Dabaqyo cusub, Xaafado filooyin ah iyo Qiimaha dhulka oo toban laabmay muddo tobanaan sano ah. Laakiin guryahaas midkoodna laguma iibsado habka aad malayn karto – mushahar iyo amaah.
Guud ahaan dalka, wax yar kala bar qoysaska Soomaaliyeed ayaa leh guryaha ay deggan yihiin sida lagu ogaaday sahan 2022 lagu sameeyay in ka badan 7,000 oo qoys. Laakiin tiradaasi waxay qarinaysaa arrin muhiim ah.
Isla sahankaas ayaa lagu ogaaday in magaalooyinka, saamiga qoysaska guryahooda leh uu hoos ugu dhacayo 43% oo keliya. Daraasad kale oo sannadkii 2019 si gaar ah looga sameeyay Muqdisho ayaa iyaduna lagu ogaaday in 71% qoysasku ay guryo kiraystaan. Kiraysigu halkan ma aha xalka ugu danbeeya ee loo noqdo — waa habka ay dadka badankoodu ku nool yihiin.
Maxaa sababay? Aan xisaabino.
Celcelis qiyaasaadka Bangiga Adduunka iyo Ururka Shaqaalaha Adduunka ee 2022, mushaharka shaqooyinka rasmiga ah ee Soomaaliya waa 263 doollar bishii. Qiimaha guri cusub oo aan qaali ahayn oo Muqdisho ku yaallana wuxuu ka bilaabmaa qiyaastii 50,000 oo doollar.